Allbanaadir.com
NEWS

Shahaado sharaf la guddoonsiiyay xubno katirsan Guddiyada doorashooyinka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shahaadooyin sharaf guddoonsiiyay xubnaha Guddiyada Doorashooyinka SEIT Somaliland, Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga.

Xubnahan shahaado sharafta la siiyay ayaa ku muteystay howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Xildhibaanada gobolada Waqooyi kumatalaya labada aqal ayaa doorashadooda lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, xilli wali dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira ka socdaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa horey ugu heshiiyay in Doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan oo ku beegan beri oo jimco ah, waxaana muuqata in dib uga dhacday doorashada waqtigii lagu heshiiyay.

Jadwalka doorashada Soomaaliya ee horey loogu heshiiyay ayaana mar kale fashilmay, waxaana hada la doortay ku dhawaad 200-Xildhibaan, waxaana wali harsan xildhibaano badan oo doorashadooda la filayo in maalmaha soo socda dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?app=desktop&v=wjwyaVuyeMw

Related posts

Akhriso Magacyada dad ka badan 20-qof oo ku dhintay Weerarkii Hotelka Xayaat

Cabdi Cade

Safiirka UK u fadhiya Muqdisho oo talooyin Muhiim ah siiyey madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

Madaale oo albaabada u xiray goobo loo tumasho tago oo ku yaalla Xeebta Liido (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---