Madaale oo albaabada u xiray goobo loo tumasho tago oo ku yaalla Xeebta Liido (Sawirro)

Maamulka Goblka Banaadir ayaa caawa Albaabada isugu  dhuftay gooba lagu iibiyo Maandooriyaha islamarkaana ay isugu yimaadan Raga iyo Dumarka kuwaasoo ku yaala xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Goobahan oo gabdhaha ay ku galaan lacag la’aan, balse wiilasha looga qaado $10 dollar ayaa ah kuwo caan ka ah xeebta Liido, iyadoo halkaas loogu tagay wiilal iyo gabdho fara badan oo tumanaya xili saq dhexe, isla markaana isticmaalaya noocyada kala duwan ee maandooriyaha, sida xashiishka, khamriga iyo iwm.

Gudoomiiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo howlgalkaas horkacayey ayaa ul la dhacay qaar ka mid ah dhalinyaradii halkaas ku sugnaa sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada.

Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney albaabada u laabeen dhowr goobood oo habeenkii dhalinyaradu ku tuman jireen, dib dambena aan loo furi doonin, isagoo xusay iney sidoo kale xiri doonaan goobaha la midka ah ee magaalada ku yaalla.

“Dhalinyarada aan halkan ugu nimid, qaarkood wey cabsanaayeen, waxay isku dayeen iney nala diriraan balse, wax dhibaato ah looma geysan, waxaan ku wareejinay booliska si subixii loogu wareejiyo waalidiintii dhalay, qaarkood waxay wateen hub ay ka mid yihiin bastoolado iyo qoryo” ayuu yiri Madaale.

Waxaa uu xusay in talaabadan ay qeyb ka tahay, howlgalada uu maamulkiisu kula dagaalamayo ka ganacsiga maandooriyaha, isagoo xusay in Al-shabaab iyo kuwa maandooriyaha iibiya ay si isku mid ah ula dagaalamayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -