Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Geelle oo arrimo muhiim ah kala hadlay Muuse Biixi (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii Uu Hoggaaminayey ee safarka shaqo ku jooga dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah.

Labada masuul ayaana isla gartay in laga wada shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo sidii la isugu furi lahaa ganacsiga Jabuuti iyo maamulka Somaliland

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

https://www.youtube.com/watch?v=9iPt-VA3Xpc

Related posts

Wararkii u dambeeyey booqashada RW Xamza ku joogo Magaalada Doha (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaalad halis ah oo soo wajahday Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo ka hadlay xiisada ka taagan Ruushka Digniina u diray Kooxda Wagner

Cabdi Cade
Taboola Ads ---