Xaalad halis ah oo soo wajahday Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Somalia

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Somalia ayaa ku eedeeyey taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage inuu kala noqday dhammaan ciidankii Ilaalada u ahaa oo ka tirsan Xoogga dalka.

Iyagoo la hadlayey Warbaahinta ayey Xildhibaanadu sheegeen inay xaalad amni oo halis ah ku sugan yihiin, isla markaana aysan ka soo bixin guryaha iyo Hotelada ay degan yihiin.

Senator Nuura Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegtay inuu guuldareystay dedaal ay muddo muddo todobaad ah wadeen kaasoo ay ku doonaayeen in Ciidanka Ilaaladda u ahaa dib loogu soo celiyo.

“Falka Ilaaladda nalooga watay waxaa ka dambeeya Taliyaha ciidanka Xoogga Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan la magacaabay” ayey tiri Senator Nuura Faarax.

Xildhibaanada Ilaaladda laga watay ayay sheegtay iney u badan yihiin aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waxayna heyadaha amaanka dowlada ka codsatay in xaaladooda hoos loo eego lana siiyo ilaalo cusub oo amnigooda sugta.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaan ka hadlin illaa hadda eedeynta kaga timid xildhibaanada labada aqalm welina lama oga sababta keentay in la noqdaan ciidankii ilaalada u ahaa Xildhibaanada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -