Madaxweynaha Hirshabeelle iyo xigeenkiisa oo laga dalbaday in ay iscasilaan !!

Golaha Badbaadada Hirshabeelle  ayaa ku dalbaday Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa in ay iscasilaan ama  xilka qaadis lagu sameeyo,   Golaha ayaa walaac ka muujiyay in xaalaada Gobolka Hiiraan ka taagan ay sababi karto Mustaqbalka Hirshabeelle in uu mugdi galo.

Golaha ayaa baaq u diray Barlamaanka Hirshabeelle, Duubabka dhaqanka, Siyaasyiinta, Aqoonyahanka iyo waxgarkada Hirshabeelle  inay u istaagaan  badbaadinta Hirshabeelle sidoo kale Goluhu wuxuu ku booriyay Dowladda Dhexe  ay wax ka qabato arinta murugsan ee ka taagan Hiiraan iyo Hirshabeelle.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan :

WARSAXAAFADEED

HIRSHABEELLE BADBAADO AYEEY U BAAHAN TAHAY

Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo ah Gole siyaasadeed oo u taagan horumarka Hirshabeelle ayaa shir ka yeeshay xaalada Hirshabeelle guud ahaan iyo tan Gobolka Hiiraan gaar ahaan waxana ka soo baxay;

  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu ka xun yahay isbadalada joogtada ah ee lagu sameeyo Hogaanka Gobolka Hiiraan iyadoo tusaale ahaan mudadii Madaxweyne Maxamed Cabdi waare uu xilka hayay ay Gudoomiye-nimada isaga danbeeyeen  5 Gudoomiye Gobol iyadoo celceliska uu yahay 4-tii biloodba Gudoomiye,  halka Gobolka Sh/dhexe ee mataanaha la ah Hiiraan uu mudadaas hogaanka u hayay hal Gudoomiye.
  • Golaha  Badbaadada Hirshabeelle wuxuu dareemayaa  walaacna  ka muujinayaa isbadalladaas joogtada ah ee dul saarnaa Gudoomiyaashii Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenadoodii  iyo Canshuuraha ka yimaad Gobolka Hiiraan oo mugdi badan hareeyay sida loo maamulay,   in ay ka dhalatay caro fara badan oo ay qabaan shacabka Hiiraan, aqoonyahan kooda , siyaasiyiintooda iyo Duubabkooda taasoo sii kala fogeynaysa labada shacab ee Hiiraan iyo Sh/ dhexe, sidoo kalana halis ku ah jiritaanka Hirshabeelle.
  • Golaha badbaadada Hirshabeelle wuxuu walaac ka muujinayaa in Hogaanka Hirshabeelle uu ka sii fogaanayo danta qaranka soomaaliyeed iyo midnimada isagoo isku dayay in uu ka hor yimaado Tilmaamihii Wasaarada Arimaha Gudaha , Imtixaankii Dugsiga sare, dhaleeceeyayna dadaalka dib u heshiisiin ee Dowladda Dhexe ka waday Galmudug, taasoo ay dheer tahay in ka horna  xiriirka Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe ka dhigay mid aan  jiho iyo jid loogu soo hagaago aysan jirin (“Tom & Jery”).
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu aaminsan yahay Mashaqada Maamul Xumo, Amaan Xumo ee ka jirta Guud ahaan Hirshabeelle in Masuuliyadeeda ay qaadayaan Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe)  oo  ka soo bixi waayay  waajibaadkii ka saarnaa Dadka iyo deegaanka Hirshabeelle  iskuna bahaystay in dantii guud ka doorteen dano gaar ah.
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in ay  is casilaan aamaanada loo dhiibtayna ku soo celiyaan Golaha Barlamaanka Hirshabeelle oo wakiil ka ah Shacabka Hirshabeelle.
  • Golaha Badbaabada Hirshabeelle wuxuu ugu baaqayaa Barlamaanka Hirshabeelle inuu u istaago badbaadinta Hirshabeelle oo uu guto waajibka Dastuuriga ah ee gaarka ah ee saran oo uu ku xisaabiyo  Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa fashilka hogaamineed mudadii ay xilka hayeen.
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu ugu baaqayaa Duubabka iyo Siyaasyiinta Hirshabeelle heer Maamul Goboleed iyo heer Federaal in ay u istaagaan  sidii loo badbaadin lahaa Hirshabeelle loona  heli lahaa Hogaan kale oo  mideeya shacabka, kana shaqeeeya hormarinta dadka iyo deegaanka Hirshabeelle.
  • Golaha Badbaada Hirshabeelle wuxuu aaminsan yahay masuuliyad dastuuri iyo mid hogaamineed in uu ka saran yahay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  badbaadinta Hirshabelle .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -