Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo dacwad ku soo oogtay Masuuliyiin hor leh

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Masuuliyiintan oo gaaraya 7 xubnood ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa intaas ka dib soo saartay qoraal baafin ah oo loogu yeerayo eedeysanayaashan la soo eedeeyey loogu yeeray iney Maxkamada ku hor yimaadaan muddo 30 cisho ah si ay isaga difaacaan dembiyada lagu soo eedeeyey.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Maxkamada gobolka Banaadir ay ka socoto dhegeysiga dacwad loo heysto masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XEER ILALAINTA IYO MAXKAMADA G/BANAADIR

Related posts

Saraakiil booqday degmada Aw-Dheegle oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Shuruud ku adag ku xiray in Doorasho ka dhacdo Jubbaland

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Moussa Faki oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---