Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo la wareegay Deegaan Dalxiiseedka Bud-bud iyo Deegaanno kale

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Bud-bud ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay Al Shabaab maamulayeen.

Kooxda Al Shabaab oo  sannado badan gacanta ku heysay ayaa isaga baxday deegaanka Bud-bud, kaddib markii deegaanka ay hareereeyeen ciidamo aad u tiro badan oo duullaan ku qaaday.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada la wareegeen deegaanka Bud-bud iyo deegaanno kale oo kooxda Al Shabaab heesteen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada huwanta ah ay sii soconayaan ayna Al Shabaab ka saarayaan gabi ahaan deegaannada iyo degmooyinka ay wali ka joogaan gobolka Galgaduud iyo gobolada kale.

Deegaanka Bud-bud ee ciidamada huwanta ah saakay la wareegeen ayaa ah deegaan dalxiiseed aad u qurux badan, deegaankaan oo ah mkid cagaaran ayaa la sheegay in xilli kasta biyo fadhiyaan, waana deegaan caan ku ah fardaha.

Ciidamada huwanta ah ayaa ujeedkoodu yahay in kooxda Al Shabaab ka saaraan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanno kale oo hoostaga oo wali gacanta ugu jira kooxda Al Syhabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’il oo walxaha qarxa ku xirtay gaaska lagu kobciyo Uranium-ka Iran

Cabdi Cade

Dagaal culus oo u dhaxeeya Somaliland iyo SSC oo socda ,maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo si adag uga jawaabay Amarkii kasoo baxay DFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---