Ra’isul Wasaare Caan ah oo fariin soo diray cafisna ka dalbaday dadka uu masuulka u yahay !!

Ra’isal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa fariin uu usoo diray dadka Hindiya kaga dalbaday in ay cafiyaan maadaama uu galiyay xayiraad adag oo dhinaca nolosha xili aysan dadku diyaar u aheyn ayna ku adkaatay .

Xukuumada uu hogaamiyo Modi ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulantay in dalka xayiraad galisay xili aysan dowladu qorshe ku aadan xayiraadaasi iyo saameynta ka dhalan karta aysan la imaan, waxaana xayiraada ka dhalatay cabsida cudurka Caronavirus.

Ra’isul Wasaaraha oo dadkiisa la hadlay ayaa ka raali galiyay saameynta adag ee ka dhalatay xayiraada uu dalka galiyay, waxa uuna sheegay in dalka Hindiya uu geeri iyo noolal u dhaxeeyo lana jooga xilligi dalkaasi la samata bixin lahaa.

Waxa uu sheegay Modi in aysan jirin wado kale oo u furan dalka Hindiya oon ka aheyn in xayiraad dadka la galiyo, waxa uuna si gaar ah cafis uga dalbaday dadka saboolka ah oo si weyn xayiraadan u saameeneyso noloshooda.

 

“Waana ogahay dad badan oo guriyahooda ku sugan iney ii careysan yihiin maadaamaa aan wax badan ka xayiray, waana ogahay waxa ay dareemayaan balse ma jirto wadda kale oo lagula dagaallami karo Coronavirus, dalka Hindiya wuxuu ku jiraa xilli uu u dhaxeeyo geeri iyo noolal oo loo baahan yahay in la samata bixiyo, waxaan si gara ah cafis uga dalbanayaa walaalaha saboolka ah .” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Hindiya.

Dalka Hindiya ayaa laga soo warinayaa dhacdooyin xanuun badan oo ka dhashay xayiraada dowlada soo rogtay, waxaana inta badan xaalad adag oo dhinaca nolosha ah xayiraadan ku reebtay dadka saboolka ah iyo kuwa aan guryaha heysan.

Nin shaqaale ahaa ayaa wado ku geeriyooday xili uu tuulada uu kasoo jeedo oo u jirtay masaafo dhan 270 km usii lugeenayay, waxaa sidoo kale xaalado adag wadooyinka ku heesataa dadka magaalooyinka isaga baxay oo u socdaalada deegaanadooda.

Cudurka Caronavirus ayaa gudaha Hindiya laga helay dad ka badan Kun qof, waxaana ilaa hada dalkaasi cudurkaasi ugu geeriyooday dad gaaraya 25-qof, waxaana jirta cabsi laga qabo in gudaha dalkaasi cudurka kusii faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -