Baarlamaanka Uganda oo Ansaxiyay Sharci dan weyn ay ugu jirto Yoweri Museveni 

Baarlamaanka dalka Uganda ayaa si aqlabiyad leh u ansaxiyay wax ka badal lagu sameeyay dastuurka dalkaasi gaar ahaan sharci xadidayay da’da Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha.

Dastuurka dalka Uganda ayaa dhigayay qof walba oo ka yar da,da 35 sano ama ka weyn 75 aanu u tartami karin doorashada madaxweynaha, hasa ahaatee waxaa sharcigaasi meesha ka saaray Baarlamanaka dalka Uganda.

Sharcigan cusub ee ansixiyeen Baarlamaanka dalka Uganda ayaa looga gon leeyahay in mar kale xilka Madaxweyne uu isku soo sharxo Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo hada jira 73-sano.

Baarlamaanka waxa ay sidoo kale go’ansadeen in ay dib usoo celiyaan in madaxweynuhu labo jeer oo kali ah u xilkaasi u tartami karo, waxayna taasi ka dhigantahay in madaxweyne Museveni uu xafiiska sii joogi doono ilaa 2031.

Xildhibaanada baarlamaanka Uganda ayaa sidoo kale u codeeyay in la kordhiyo muddada ay mudanayaasha baarlmaanka xilka hayn karaan taasi oo haatan ah 5 sano lagana dhigo ilaa 7 sano.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musevani ayaa talada dalkaasi hayay in ka badan 30-sano, Musevani ayaa taageero weyn ka heesta shacabka dalka Uganda oo la dhacsan maamulkiisa mudada dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -