Allbanaadir.com
NEWS

Ninkii Ajnabiga ahaa ee ka Dambeeyay Dilka Dahabo Cumar oo Maxkamad lasoo taagay

Nin u dhashay dalka Ciraaq oo dhawwaan dalka Malaysia ku dilay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Dahabo Cumar ayaa lasoo taagay maxkamad, waxaana lagu soo oogay dacwad dil kutalagal ah.

Gacan ku dhiigalaha ayaa ciidamada ammaanka dalka Malaysia soo qabteen xilli uu baxsad ku jiray , waxaana ninkan la sheegay in ay ku cadaatay falka dilka ah uu u geestay gabadha Soomaaliyeed.

Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia ahna Qunsulka Safaaradda Amaal Maxamed Siciid (Hoggaamo) ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagay gacan ku dhiiglaha waxa ayna xustay in xubin kamid ah ehelka Marxuumadda uu ka qaybgalay fadhiga Maxkamadda.

Maxkamadda la saaray ninka u dhashay dalka Ciraaq ee dilay gabadha Soomaaliyeed ayaana go’aamisay in kiiska ninkan loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka Malaysia 9ka bisha May ee sanadkan 2022.

Dilka gabadhan Soomaaliyeed loogu geestay dalka Malaysia ayaa la sheegay in uu salka ku hayay ,kaddib markii gabadha la dilay Dahabo Cumar ka biyo diiday in ninkan u dhashay dalka Ciraaq xiriir la sameeso ayna is guursadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Ouxby0mKxoI

Related posts

(Daawo Sawirro) Xuseen Max’ed Nuur oo xariga ka jaray Xafiiska Amniga Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ku toogatay Saddex nin

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---