Al-Shabaab oo fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ku toogatay Saddex nin

Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxay ku toogteen shalay gelinkii dambe saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala shaqeeyeen duqeymo ka dhacay Somalia.

Saddexda ruux oo ay toogteen Al-Shabaab ayaa isugu jiray laba Dhalinyaro ah iyo Nin oday ahaa, kuwaasoo lagu kala Magacaabi jirey.

1-Axmed Nuurow Maxamed Xeroow oo 23 sana jir ahaa, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay dayuuradaha wax duqeeya ee Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

3-Bashiir Maxamuud Dhagool oo 22 jir ahaa oo ay ku eedeeyeen inuu mas’uul ka ahaa duqeymo ay dayuuradaha Mareykanka la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

3-Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 sano jir ahaa, waxaana ay sheegeen in uu la Shaqeynayay Diyaaradaha duqeymaha fuliya ee Mareykanka iyo Maamulka Hir-Shabeelle.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale meelo badan oo kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya fagaarayaal ku yaalla waxaa ay ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -