Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamse oo kulan gaar ah la qaatay Deni (Maxaa laga wada hadlay)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur iyo La-taliyaha Ra’iisal wasaaraha Mudane Cali Cabdi Awaare.

Puntland ayaa ka hor ka gaabsatay booqasho Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ku tegi lahaa Garoowe, waxaana uu hadda doonaya in meesha laga saari lahaa hadii uu jiro madmadow isaga iyo Puntland oo ah maamulka ugu tunka weyn dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Madaxweyne Deni ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee Xamar u jooga ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay Madaxtooyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay taalada halgamayaasha SYL (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddomiyaha Aqalka sare oo Eedeyn u jeediyay Rooble kuna baaqay in la joojiyo doorashada

Cabdi Cade

Madaxweyne Zelenskiyy oo ceyriyey danjirihii Ukraine u joogay UK ka dib markii..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---