Xuseen Max’ed Nuur oo kulan muhiim ah la qaatay qeybaha bulshada G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa Maanta la kulmay qeybaha Bulshada  gobolka Banaadir isagoo sheegay in la dejiyey istraatijiyad cusub oo lagu horumarinayo Gobolka Banaadir.

Waxaa uu ka codsaday bulshada ku nool gobolka Banaadir inay qeyb weyn ka qaataan horumarka caasimada oo uu sheegay iney tahay muraayadii dalka.

Bulshada ayaa dhankooda waxay soo jeediyeen inay helaan adeegyada lagama maarmaana ah sida dhanka dhismaha wadooyinka, Caafimaadka  iyo Waxbarashda, Nadaafada iwm.

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa magacaabay guddi  ka shaqeeya arimaha horumarinta degmooyinka gobolka si loo helo istaraatijyada la dajiyay .

Waxaa uu bulshada  ugu baaqay inay ogaadaan in  leeyihiin gobolka Banaadir rabitaankoodana lagu shaqeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -