Qoor Qoor oo kulan iscafin ah isugu Keenay CC Warsame, Kulane Jiis & Saadaq Joon (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran isugu keenay xubno ka mid ah Xildhibaanada gollaha shacabka ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Qoor Qoor ayaana dedaalo badan uu sameeyay ku guuleestay in kulankan iscafinta isugu keeno Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan (Kulane Jiis) iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Joon) oo aad u kala fogaa aragti ahaa.

Madaxweynaha Galmudug ayaana Xildhibaanadan iska soo horjeeday uu isku geeyay ka codsaday in  ay is cafiyaan kana gudbaan marxaladihii lasoo maray, waxa uuna u sheegay in ay yihiin Xildhibaano wada matala Galmudug .

Kulankan uu isugu keenay Qoor Qoor Xildhibaanadan la doortay ee aad u kala fogaa aragti ahaa ayaa si weyn loo soo dhaweeyay , waxaana lagu tilmaamay Qoor Qoor Hoggaamiye nabadeed oo ka shaqeyn kara isku keenida kuwa iska soo horjeeda.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si kulul ugu eedeyn jiray Saadaq Joon weerarkii hoygiisa lagu soo qaaday, waxa uu sidoo kale si adag uga soo horjeeday Kulane Jiis oo katirsan NISA kana mid ah saaxiibada iyo qaraabada Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -