Allbanaadir.com
MUQDISHOMUUQAALONEWS

Koox ay ku raad joogeen sirdoonka dalalka Somalia iyo Masar oo lagu qabtay Kenya

Booliska la dagaalanka Argagixisadda Kenya ayaa magaalada Mombasa ku xiray saddex nin oo lagu tuhunsan yahay iney ku lug leeyihiin falal argagixiso.

Ragga la xiray labo ka mid ah waxaa la sheegay inay baadi-goobayaan dowladdaha Masar iyo Somalia.

Mohamed Shendy Elhosseiny,  Mustafa Abdi Saciidi iyo Mohamed Mohamed Abdullahi ayaa loo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin koox argagixiso ah.

Sida lagu sheegay warbixin sirdoon, Mr Shendy iyo Mr Saidi ayaa laga baadi goobayay Masar iyo Soomaaliya dambiyo aan la shaacin.

Mr Shendy waa Masaari halka labada kale ay yihiin Kenyan asal ahaan Soomaali ah, iyadoo Saddexda nin shalay oo Khamiis aheyd la soo taagay maxkamadda Mombasa halkaasoo saraakiisha la dagaalanka argigxisada ay ka codsadeen in loo oggolaado inay xabsiga ku hayaan 15 maalmood si baaritaankooda loo dhameystiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Somaliland oo shaacisay in Ciqaab xun Muqdisho lagu marsiinayo Shan nin oo ku eedeysan dilkii…

Cabdi Cade

Dooli Dunidda caan ka ahaa kuna guuleestay Abaal marin oo maanta geeriyooday

Cabdi Cade

Nin lasoo taagay Fagaare ay Al Shabaab ku toogan lahaayeen oo si lama filaan ah ku bad baaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---