Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida maanta ku timid Abwaan Cabdikariim Jiir

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Maareeye Ku-xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) uu ahaa abwaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna, isaga oo ka mid ahaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariim Faarax Jiir waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna ka soo shaqeeyey Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Tiyaatarka Qaranka oo uu hadda ka ahaa Maareeye Ku-xigeen”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Related posts

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka carooday talaabo ay qaaday kooxda Taliban

Caydiid Ali

Jubbaland oo Digniin adag u dirtay Odayaasha kunool deegaanada maamulka ka taliyo

Cabdi Cade

Muhaajiriinta iska dhiiba dalka UK oo hadda kadib la gaynayo dal kuyaala Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---