Haweeney loo heestay in ay katirsan tahay Al Shabaab oo Xabsi ku dhax geeriyootay

Haweeney loo heestay in ay katirsan tahay Ururka Al Shabaab ayaa ku dhax geeriyooday xabsi kuyaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya sida uu qoray Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya.

Xabsiga Shimo La Tewa  ee magaalada Mombasa waxaa ku xirnaa afar gabdhood oo loo heestay in ay katirsan yihiin Al Shabaab, waxaana Maxkamadeynta gabdhahan magaalada Mombasa ka socotay in ka badan Sadex Sano.

Wargeyska The Star ayaa qoray Maryan Cabuud oo kamid aheyd afarta gabdhood oo loo heestay in Al Shabaab katirsan yihiin ay ku dhax geeriyootay Xabsiga dhexe ee magaaladda Mombasa.

Baarayaasha kiiska haweenkan ayaa sheegay in Maryan Cabuud ay u geeriyootay cudurka Kansarka ah, waxaana arintan lagu cadeeyay Qoraal caafimaad oo loo gudbiyey Maxkamadda Mombasa.

Waxaa wali maxkamada Mombasa ka socota dacwadaha loo heesto Umul-kheyr Sadri, Khadiijo C/qaadir iyo Xaliima Aadan oo ku eedeesan in Al Shabaab xubno ka yihiin, haweenkan ayaana iska beeniyay dacwadaha lagu soo eedeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -