Allbanaadir.com
NEWS

Nin gowrac lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa lagu gowracay nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ragga xoolaha ku qala  Suuqa degmadaas sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Marxuumka la gowracay ayaa la sheegay inuu  caanka ahaa degmada gaar ahaan Suuqa Xoolaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkan la dilay uu sababsaday gacanta nin kale oo ay wada shaqeyn kala dhexeysay, balse uu muran soo kala dhex galay.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmahanba marxuumka uu dacwad ka ahaa ninka wax gowracay oo la sheegay inuu baxsaday.

Maamulka Degmada Dharkeynley iyo saraakiidha laamaha amaanka degmadaas ayaan illaa hadda  wax fal celin ah ka sameynin sidii loo soo qaban lahaa ninka geystay falka dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_TFvF1DwPWw

Related posts

Madaxweyne caan ah shacabkiisa ka mamnuucay iney tagaan dalka Kuwait & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Fadeexad dhinaca Baasaboorka ah oo ka taagan Turkiga iyo Baaritaano socda

Cabdi Cade

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka oo ka baxay Tripoli iyo Khalifa Haftar oo niyad jab lasoo darsay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---