Allbanaadir.com
NEWS

Safiiradii ugu badnaa ee Maraykanka u fadhiya dibeda oo is casilay & Sababta ka dambeysa

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Estonia James D Melville ayaa shaaciyay inuu xilkaas ka tagayo.

Talaabadan   ayuu sheegay iney ugu wacan tahay siyaasadaha Trump uu kula dhaqmayo adduunka intiisa kale, gaar ahaan Midowga Yurub oo uu ku soo rogay canshuuro dheeraad ah.

Safiiro kale ayaa sidoo kale sheegay in aysan la shaqayn karin Trump, isla markaasna aysan matali karin Maraykanka iyada oo uu Trump madaxweyne ka yahay, waxaana ka mid ah safiirkii Maraykanka ee Panama u fadhiyay John Feeley iyo Elizabeth Shackelford oo Soomaaliya u qaabilsanayd Maraykanka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay ayaa xaqiijiyay in danjire Jim uu xilka ka dagayo 33 sano kadib oo uu xilka hayay.

Madaxweyne Trump ayaa dhaqangaliyay canshuuro dheeraad ah oo ka dhan badeecooyinka dalalka adduunka ay u dhoofiyaan Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_TFvF1DwPWw

Related posts

Axmed Karaash oo kormeer ku tagay Xeradii Goojacadde ee laga saaray Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Kenya oo goor dhow shaaciyey in la soo afjaray Weerarkii Nairobi

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay Oday katirsanaa Al Shabaab iyo hubkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---