Khilaafka u dhaxeeya Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo waxa uu salka ku hayo

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay khilaaf xoogan u dhaxeeyay Gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana mar hore istaagay wada shaqeyntii ka dhaxeesay labada aqal iyo gudoonkooda.

Gudoonka labada Aqal ayaana horey isugu qabtay qodobo sharci ah , waxaana lagu guul dareestay in xal laga gaaro khilaafka labada Gudoomiye u dhaxeeya taa oo keentay in meesha ka baxdo gabi ahaanba wada shaqeyntii labada aqal ka dhaxeeyay.

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi siiyay Idaacada BBC ayaa qiray in uu jiro khilaaf kala dhaxeeya Gudoomiye Maxamed Mursal, waxa uuna xusay in ay isku khilaafeen qodobo sharci ah.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka xiriir fiican hadda kama dhaxeeyo waxaana u sabab ah qodobo sharci gaf ah oo guddoomiyahaasi uu sameeyay ,waayo sharci baan ku shaqeynaa sharci gaf uu ku shaqeynayo, dee ma jiro, ayuu yidhi. Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka mudada ku kororsadeen, waxa uuna tilmaamay in xitaa labada aqal oo wada jira aysan sameyn karin mudo kordhin sharci daro ah.

“Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, iska daa inuu hal Aqal taas sameeyee labada Aqal xitaa xaq uma laha.” ayuu yiri Gudoomiyaha Aqalka sare.

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada shaqeynbta u dhaxceysay mudooyinkii lasoo dhaafay aheyd mid aad u yar, waxaana khilaafka uu hada gaaray heer labada Gudoomiye lakala saftaan  Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -