Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo heshiisiiyay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka.

Rooble ayaa kulan uu la qaatay labada masuul ku guuleestay in uu dhammeeyo madmadowgii soo kala dhex galay ee keenay in dhawaam siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlaan.

Kulan kadib ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Mahdi Guuleed isku afgarteen in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf dhinaca doorashada, waxa uuna Cabdi Xaashi eedeyn kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble .

https://www.youtube.com/watch?v=hPbxmQlyF4k&t=12s

Related posts

War Deg Deg Ah: Weerar Caawa lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka degan yahay C/Raxmaan Cabdishakuur

admin

Jadwalka Doorashada 10-kursi oo lagu dooranayo magaalada Garawe oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Isimada Puntland oo go’aano culus ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---