Laftagareen oo la kulay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey agaasimaha guud Hay’aada socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Cilmi Cali .
Madaxweyne Laftagareen iyo agaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka ayaa yeeshay kulan saacado qaatay oo ay uga wada hadleen Arromo dhoor ah ay ugu muhiimsanaayeen socdaalka iyo jinsiyada.
Agaasimaha guud Hay’aada socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Cilmi Cali, ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed warbixin ka siiyay sida ay u shaqeyso Hay’adda socdaalka iyo ujeedka ay Baydhabo u tageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -