Galmudug oo shaacisay Jadwalka doorashada 7-kursi (Magacyada & Qabiilada)

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7-kursi oo katirsan aqalka hoose oo la filayo in lagu doorto magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay jadwalka iyo habraaca loo marayo doorashada 7-kursi, waxaana doorashada kuraastan la qabanayaa 26-27 ka bishaan .

Hoos ka aqriso 7- Kursi Xildhibaanadii ku fadhiyay iyo Qabiiladooda :-

Hop #007  (Cabdulahi Farax Weheliye , Dububle ,Hawiye)

Hop #061 (Cabdiwali Maxamed Qanyare ,Habar Maxamed , Murusade)

Hop #064 (Sahro Cumar Maalin , Wacaysle ,Abgaal )

Hop #248 (Maxamed Axmed Abtidoon , Saleebaan , Habar Gidir )

Hop #089 (Abdi Shire Jamac Ciyaar Jecel , Wagardhac ,Mareexaan )

Hop #096 (Cabdiaziz Cilmi Cali , Duduble ,Hawiye )

Hop #071 (Cabdisaabir Nuur Shiiriye ,Saleemaan ,Habar Giidr )

Halkan ka akhriso jadwalka doorashada 7-da kursi :-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -