Kulanka Wadatashiga dhismaha golaha deegaanka  Jowhar oo la soo gabagabeeyay (Sawirro)

Kulan wadatashi oo loogaga hadlayay dhismaha gollaha deegaanaka ee degmada Jowhar ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
 
Mudada uu socday kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay duubabka dhaqanka gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka gobolka iyo kan Degmada Jowhar, mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha CRD, FCA iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle.
 
Kulankan ayaa doodo dhaadheer kadib la isku afgartay in Odayaasha dhaqanka gobolka Shabellaha Dhexe lagu wareejiyay loona xil saaro xal ka gaarida habka loo qeybsanayo dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar.
 
Odayaasha Dhaqanka ayaa uga mahadceliyay maamulka Hirshabelle iyo hay’adaha kaabaya dhismaha golaha deegaanka magaalada Jowhar,waxayna ballanqaadeen in dhankooda ay dadajin doonaan dhismaha golaha deegaanka.
 
Duqeyda ayaa waxa ay ballanqaadeen in ugu dambeyntii 25 bishaan ay heshiis ka gaari doonaan saami qeybsiga xubnaha golaha deegaanka degmada Jowhar.
 
Mudadii uu kulankan socday ayaa Saraakiisha ka socotay Hey’ada CRD waxa ay uga warbixiyeen duqeyda dhaqanka ahmiyada ay leedahay dhismaha gole deegaan oo ay yeelato caasimada Hirshabelle,dhismaha golaha deegaankana uu wax katari doono horumarka magaalada.
 
Gabagabadii kulankan ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe waxana ay ugu baaqeen oday dhaqameedyada inay si dhaqso ah uga heshiiyaan saamiqeybsiga xubnaha dhismaha golaha deegaanka si loo dardargeliyo horumarinta magaalada Jowhar oo ah indhaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -