Madaxweyne Biixi oo u dhoofay Adis Ababa kadib marti-qaad uu Abiy ka helay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.
 
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayuu safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah oo shaqo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana magaalada Addis Ababa kaga biiraya wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa safarka madaxweynaha, kuwaas oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga iyo masuuliyiin kale.
.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -