Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal cusub tijaabisay iyo dowlado ka carooday

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa halkeeda kasii wada tijaabada ay ku sameeneyso gantaalada riddada dheer, waxaana tijaabada ay sameeneyso Kuuriyada Waqooyi walaac xoogan ka muujiyay dowladaha Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalkii afaraad Kuuriyada Waqooyi tijaabisay, waxaana gantaalkii ugu dambeeyay Kuuriyada Waqooyi u riday dhinaca biyaha dalka Japan.

Xoghayaha guud ee golaha wasiirada dowlada Japan Hirokazu Matsuno, ayaa si kulul u cambaareeyay tijaabada gantaalkan kuna tilmaamay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horey wacad ugu martay in ay sii wadeyso sameesashada hubka Nukliyeerka iyo tijaabada ay ku sameeneyso gantaalada ridada dheer ee xambaari kara hubka nukliyeerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -