Mid ka mid ah dalalka Carabta oo si kulul uga hadashay qaraxa lagu weeraray Macalimu

Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii maanta lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaasoo dhaawac ka soo gaaray.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada guracan ee argagixisada ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah sida warka loo dhigay.

Sidoo kale, war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda ee dhaawaca soo gaaray.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa maanta barqadii isku qarxiyey gaari uu la socday afhayeenka xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimo oo ku sugnaa qeybo ka mid ah wadada Maka Al Mukarama, waxaana dhawaciisa oo la sheegay inuu yahay mid sahlan lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -