Xildhibaanad si weyn u taageersaneed Farmaajo oo loo diiday in ay kursiga ay ku fadhiso u tartanto

Xildhibaano badan oo katirsanaa Baarlamaanka 10-aad siyaasad ahaana si weyn u taageersanaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sannadkan seeftay qaaday kuna guul dareestay in ay soo laabtaan.

Xildhibaanadan qaarkood waxaa daaqada ka saaray dowlad goboleedyada sida weyn uga soo horjeeda siyaasada Farmaajo ee Jubbaland iyo Puntland, halka kuwa kalana ay eryeen maamulada taabacsan Farmaajo sida Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Luul Cabdi Aadan oo katirsaneyd xildhibaanada waqtigooda dhammaaday ayaa sheegtay in loo diiday im ay tagto magaalada Kismaayo una tartanto mar kale kursiga ay horey ugu fadhisay ee HOP#133.

Xildhibaanadan oo warbaahinta Muqdisho kula hadashay ayaa sheegtay in loogu hanjabay in dhibaato la kulmi doonto haddii ay tagto Kismaayo, waxa ayna ugu baaqday  Rooble iyo guddiga doorashada in ay soo faragaliyaan arinteeda lana ilaaliyo qoondada dumarka.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanad Luul Cabdi in kursigeeda oo ahaa qoondo dumar loo xiray nin ay sheegtay in uu wato Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, waxa ayna cadeesay in korsigeeda si cadaalad daro ah loo boobayo uuna masuul ka yahay Axmed Madoobe.

Xildhibaan Luul Cabdi Aadan ayaa kamid aheyd xildhibaanada sida weyn u taageersanaa siyaasadda Madaxweyne Farmaajo una ololeenayay in muddo labo sano ah loogu daro dowladda , iyadoona si weyn u dhaliili jirtay Maamulka Axmed Madoobe .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -