DEG DEG: Isimada Puntland oo dagaalkii Boosaaso ka soo saaray go’aano dhabar jab ku ah Deni

Isimada Puntland qaarkood ayaa soo saaray caawa go’aano kama dambeys ah oo lagu xalinayo dagaaladii magaalada Boosaaso ku dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa PSF ee uu hogaamiyo taliyihii diiday xilka qaadista.

Isimada Puntland waxay dawladda Puntland u soo jeediyeen in ay ka laabato heshiiska Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso.

Sisoo kale Isimada Puntland ayaa go’aamiyey in Maxamuud Cismaan Cabdillaahi (Diyaano) uu sii ahaado Taliyaha ciidanka PSF, taasoo meesha ka saareysa xilka ka qaadista lagu sameeyey.

Isimada ayaa soo jeediyay gogol dib u heshiisiin ay u dhigaan Madaxweynaha Puntland, Saraakiisha PSF iyo mas’uuliyiintii hoggaaminayay ciidankii ku dagaalamay Boosaaso

HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -