Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amiirad Basma Bint Sa’ud oo mudo dheer kadib xabsi laga sii daayay

Amiirad u dhalatay Boqortooyada Sucuudiga oo lagu magacaabo Basma Bint Saud iyo gabadheeda ayaa mudo labo sano kadib laga sii daayay xabsi si weyn amaankiisa loo ilaaliyo oo kuyaala Boqortooyada Sacuudiga.

Basma Bint Saud oo ah haweeney ganacsato ah sidoo kale u ololeysa xaquuqda aadaha ayaa la xiray iyada iyo gabadheeda bishii March sanadkii 2019 ,xili ay xaalad caafimaad ugu safreysay dalka Switzerland.

Amiiradan ayaa la sheegay in xarigeeda uu ka dhashay xaquuqda aadanaha ay u doodo  , mana jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay iyo dacwado lagu soo oogay intii ay xirneed amiirada..

Warbaahinta Carabta ayaana si weyn u hadal heysa Amiiradan u dhalatay Sacuudiga ee xabsiga laga sii daayay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan ku aadan oo kasoo baxay Amiirada iyo sidoo kale Boqortooyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin loo fasaxay inuu safaarada Israiil ku gubo kutubta Towrad & Bible oo go’aan kale qaatay

Caydiid Ali

Madasha xisbiyada Qaran oo digniin ka soo saartay Xaalada uu ku sugan yahay dalka

Caydiid Ali

Dhaqtar loo heysto inuu laayey bukaano Boqol ka badan oo Maxkamad wajahaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---