Xaraashka Furaha qolkii uu ku xirnaa Nelson Mandela oo la joojiyay iyo Sababta keentay

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa mudo 27-sano ah ku xirnaa xabsiga Robben Island ee kuyaala magaalada Cape Town, waxaana xabsiga dhigay cadaankii gumeesan jiray Koonfur Afrika.

Furaha qolkii uu ku xirnaa Nelson Mandela ayaa dhawaan la shaaciyay in lagu xaraashayo suuq kuyaala dalka Mareykanka, hasa ahaatee dowlada K/Afrika ayaa kasoo horjeesatay talaabadaasi furaha lagu xaraashayo, iyadoona codsaday in dib loogu soo celiyo.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa talaabooyin deg deg ah ay qaaday keeneen in la joojiyo in 28-ka bishan la xaraasho furaha iyo agabyo kale oo la filayay in lagu iibiyo lacag badan, hasa ahaatee furhaaasi ayaa hada dib loogu celin doonaa dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Dhaqanka ee Koonfur Afrika, Nathi Mthethwa ayaa sheegay in guriga wax lagu xaraasho ee Guernsey uu ogolaaday in furaha dib loogu celiyo waddanka Koofur Afrika, sidoo kalana la hakiyo iibinta agabyo kale ee uu lahaa Mandela.

“Furuhu waxa uu astaan u yahay taariikhda xanuunka badan ee Koonfur Afrika , sidoo kale waxa uu u taagan yahay guusha ruuxda bini’aadamka ay ka gaartay shaydaanka,” ayuu wasiirka Dhaqanka Koonfur Afrika Mr Mthethwa .

Kooxda dooneysay in la xaraasho furaha qolkii uu kaga xirnaa xabsiga Mandela ayaa qorsheesay in lacagta laga helo alaabahaasi la xaraashayo in lagu sameeyo beer weyn iyo madxaf lagu xasuusto Mandela oo laga sameenayo halka uu ku aasan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -