Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoor-qoor oo Magacaabay guddi ay ku jiraan Wasiiro iyo Saraakiil ciidan (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa falkii argagaxa lahaa ee dhacay 9/12/2020 oo dil loogu geystay saraalkii ka tirsanayd ciidanka XDS ee ka howlgala Dowladda Galmudug ayaa u magacaabbay guddiga xaqiiqo raadin & Baaris si loo helo baaritaan dhab ah oo la xiriira dhacdadaas.

Gudigan waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha Md Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose Md Cabd Maxamed Jaamac.

Waxaana xubno ka ah; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha M/Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Guddigan ayaa laga filayaa in ay soo aruurin doonaan xog dhab ah taas oo suurto galin doonta in danbiilayaashii cadaaladda la horkeeno lana marsiiyo waajibaadka ay mudan yihiin.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa wareegta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha u akhriyay saxaafadda, isagoo xaqiijiyay in ciidanka amniga qabteen qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in dilka saraakiishaas.

Related posts

Turkiga oo u yeeray Safiirka Denmark u jooga dalkeeda kaddib tallaabo uu qaaday Rasmus Paludan

Cabdi Cade

Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida ee garoonka Aadan Cadde oo xilka laga qaaday

Cabdi Cade

Maxaa xilka looga qaaday Taliyihii ugu awooda badnaa Muqdisho Saadaq Joon ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---