Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bandow lagu soo rogay Baladweyne ka dib dagaalo & rabshado ka dhacay

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Bandow lagu soo Rogay magaalada Beladweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii saaka dagaalo ay ka dhaceen duleedka magaalada kuwaasoo dhexmaray ciidamada maamulka iyo maleeshiyo ka horjeeda oo uu hogaamiyo sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere, kuwaasoo sababay banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay gudaha magaalada.

“Si loo xaqiijiyo Amniga magaalada Beladweyne Loogana hortago wax walbo oo Qalqal Gelin karo amniga magaalada” ayuu yiri Cali Jeyte oo aan sheegin xiliga uu soconayo bandowga.

Gudoomiyaha ayaa Faray Hay’addaha Amaanka in la dhaqan geliyo lana xoojiyo Xasiloonida magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Arrin uu sameeyay Nin Sudaanees ah oo dad badan soo jiidatay hadal heyna ka dhalatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Maslaxada Puntland waxey ku jirtaa soo Jeedinta Madaxweyne Deni”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo saartay Bayaan ku socda Madaxweynaha iyo dowladda cusub ee Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---