Al Shabaab oo soo saartay Bayaan ku socda Madaxweynaha iyo dowladda cusub ee Kenya

Xarakada Al Shabaab ayaa soo saartay bayaan ku socda dowladda cusub ee dalka Kenya, waxaana bayaankaan ugu baaqeen dowladda uu madaxda u noqonayo William Ruto in dib u eegis ku sameyso siyaasadeeda Soomaaliya.

Bayaanka  ayaa lagu sheegay in Kenya heesato fursad ay dib u eegis ugu sameyn karto duullaanka ay kusoo qaadey Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen haddii Kenya ciidankeeda kala bixin dalka dibna u saxin qaladkii ay galeen dhibaato la kulmi doonaan.

“Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya go’doon ku yihiin xeryaha ay joogaan, waxa ayna xuseen in dhankooda maalin kasta weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya halka ciidamada Kenya aysan banaanka uga soo bixi karin xeryaha.

“Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa markii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, ilaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax uun ka mid ah ahdaaftii aasaasiga ahayd ee duullaanka, ciidamada military Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay gabbadaan xabadda Mujaahidiinta, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaahidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay sii laba jibbaartay cadaadiska ka dhanka ah dhalinyarada Muslimiinta iyadoo kula kaceysa afduub iyo dilal sharci daro ah, iyadoo ku hoos gabaneysa la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada.

Al Shabaab ayaa sheegtay haddii dowladda cusub ee Kenya sii wado duullaanka iyo dulmiga ay ku heyso dadka muslimiinta ah in ay sii xoojin doonaan weerarada xooggan ay ka geestaan gudaha dalka Kenya.

“Dhowr jeer ayaanu idinkaga dignay in duullaanka sharci darada ah ee aad kusoo qaadeen Soomaaliya, iyo siyaasadaha dulmiga ku dhisan ee dowladihiina ay yeelan doonaan cawaaqib halis badan, iminkana waxaan idiin sheegeynaa in inta ay dowladiinu sii wado duullaanka ka dhanka ah dhulalkeena, sii joogteeyneyso dulmiga ka dhanka ah walaalaheena Muslimiinta, wey sii socon doonaan weerarada ka dhacaya gudaha dalkiina, ogaada inaan gardaradiina ka difaaci doono dhulalkeena iyo dadkeena, waxaan si gaar ah diiradda u saari doonaa fulinta weerarada ka dhanka ah magaalooyinkiina intaba xukuumadiina ay heysato dhulalka Muslimiinta.”ayaa lagu yiri bayaanka Al Shabaab.

Al Shabaab ayaana sheegtay haddii dowladda cusub ee Kenya sii wado dagaalka iyaga ka dhanka ah in aysan beegsan doonin kaliya ciidamada Kenya balse weeraro ka fulin doonaan xarumaha muhiimka ah ee Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -