Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Puntland oo is casilay, kana hadlay Sababta

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa iska casilay xilka guddoomiyenimada guddigaas.

Saalax ayaa si weyn loogu ammaanay inta uu xilka guddoomiyenimada guddiga hayey doorashadi tijaabada ee qof iyo codka ahayd ee laga hirgeliyey degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.

Waxaa uu warqaddiisa iscasillaadda uu ku banneynayo xilka guddoomiyaha guddiga u gudbiyey xubnaha guddiga iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maamulkaas

Saalax ayaa sheegay inuu xilka soo hayey muddo labo sano iyo bar ah, uuna isaga casilay xilka duruufo ka hor yimid dartood.

Wuxuu sheegay shaqada markii horaba iney hayeen xubnaha guddiga iyo shaqaalaha balse isagu howshiisa ay ku koobneyd oo keli ah hoggaaminta, isagoo ballan qaaday mar weliba inuu diyaar u yahay inuu talo iyo tabarba uu la garab istaago dhammeystirka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -