Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay duleedka Garowe iyo Puntland oo War ka soo saartay

Dagaal ayaa la soo sheegayaa in saaka uu ka dhacay degaaanka Saax-meygaag oo u dhaxaysa gobollada Sool iyo Nugaal, kuna dhow magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada beelood ee wada dega gobolada Sool iyo Nugaal uu salka ku hayo dhul daaqsin oo deegaankaasi ku yaalla.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 9 qof ay halkaasi ku dhinteen, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wararka qaar ay intaas ka badinayaan khasaaraha.

Baaqyo kala duwan oo ku aaddan in colaaddaasi la joojiyo ayaa ka soo baxayey maamulka Puntland iyo Isimada si labada beelood ee walaalaha ah nabad loo dhex dhigo.

Wararku waxay intaa ku darayaan dagaalku inuu ka dhashay deegaameyn cusub oo labada beelood ay damceen iney deegaanka lagu dagaallamay ay ka sameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -