Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dagaal ka dhacay duleedka Baladweyne & dibadbax rabshado wata oo ka dhashay (Sawirro)

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Maamulka Hirshabelle iyo Ciidamo uu wato Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa ka dhacay barqadii maanta duleedka magaalada Beladweyne.

Sida Wararku nagu soo gaarayaan dagaalkan ayaa bilowday markii Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka ay weerar ku qaadeen Saldhig uu degaanka Qowlad oo dhinaca waqooyi ka xiga Baladweyne ku leeyahay Nuur Dheere.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal habeen ka hor labada ciidan ku dhexmaray goobtaas markii ciidanka Nuur dheere ay rasaas huwiyeen gaadiid ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan oo safar ka yimid.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka hub kala nooc ah la isku adeegsaday lamana oga weli  khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhinaca kale, dibed rabshado wata ayaa ka bilowday magaalada Beladweyne ka dib markii ay isku soo baxeen dadweyne ka careysan weerarka maamulka gobolku ku qaaday maleeshiyada Nuur Dheere.

Dadka dibed baxa dhigaya ayaa dhagxaan iyo waxyaabo kale ku jaray qaar ka mid ah jidadka magaalada, iyagoo ku qeylinaya ereyo ay uga soo horjeedaan maamulka gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DIBED BAXA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadeynta Askarigii dilay George Floyd oo ka bilaabaneysa Maraykanka

Caydiid Ali

Dowlada Mareykanka oo ergay cusub u soo magacowday geeska Afrika

Caydiid Ali

Doorashada kursigii ay ka dhimatay Marxuumad Aamino Max’ed oo lagu kala baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---