cashar

Jaamacadda Green Hope

Magaca: Gacal Xuseen Gacal

Waxaan halkaan sharaxaad uga bixinayaa Ereyadan kooban ood macalin inoo dirtay

1- Qoys marka la joogo baadiyaha ama miyiga waxaa loo yaqaan reer meel degan ama jees ,waxa ayna ka kooban yihiin aabe, hooyo iyo caruur sidaas ayeyna qoys ku noqdaan.

2-Reer guuraaĀ waxaa loo yaqaan marka reerku ka guuraan halkii ay degnaayeen ama ay naq raacdaan , waxaana inta badan reer guuraagu lagu yaqaanaan in ay ka tagaan ama ka guuraan goobtii ay degnaayeen una guuraan goob kale oo roob ka da’ay oo barwaaqo ah ayna xoolaha ka heli karaan cows iyo biyo.

3-Reermiyi waxaa loo yaqaan dadka degga baadiyaha fog fog ee ka baxsan magaaladda kuna nool, waxaa sidoo kale loo yaqaan reermiyi dadka inta badan xoolo dhaqatada ah aan degneen magaalooyinka iyo tuulooyinka waa weyn.

4-Miyi waxaa Soomaali ahaan loo yaqaan deegaanada ka fog amaĀ  baxsan magaalada, waxaana dhulkaasi miyiga inta badan kunool dadka xoolo dhaqatada ahĀ  .

5-Yacayga waxaa loo yaqaan qoryaha lasoo guro ee inta badan loo adeegsado dhismaha aqalada , yacawgu waxa uu leeyahay labo garab ama la qoray oo loo yaqaan heensaraar, heensaraarka ayaana leh wax u eg labo faraal oo kale oo dhulka lagu aaso.

6-KashkaashĀ waa coyska jilicsan ee aqalada la dhiso guryahooda lagu firdhiyo ama lagu qurxiyo si carrada looga ilaaliyo.

7-Sabaanku waa alalaabada maacuun ahaan reer baadiyaha u adeegsadaan iyo sidoo kale alaabaha kale alaabaha kale ee guriga u adeegsadaan reer miyiga sida gogosha iyo alaabaha kale ee maacuunta.

8-Harraro waa coyska iyo geedaha aqalada lagu dhiso ama looga dedo kor iyo hareeraha ,waxaana loo sameeyaa si qurxoon oo loo yeelo midabo kala duwan.

9-Dhigo waxaa la yiraahdaa qoryo wax lagu duubay waxna la mariyay , waxaana madaxa loogu aasaa aqalka dhinacyadiisa , waxaa sidoo kale madaxa looga aasaa aqalka xaggisa hore.

10 lool waxa uu ka sameesan yahay agab kala duwan sida duur iyo jiil , loolka waxaa lakala saaraa ama rogaa dhiga dushooda inta aan harrada la saarin .

Ā 11-Xarko waxaa loo yaqaan xariga qoyrta looga xiro awrta hogaanka u ah geela ama lagu kaxeeyo.

12-Alool waxa shey ama agab ka sameesan dun iyo dhar dhamaaday , mayrax iyo sidoo kale caws si qurux badan loo farsameeyay.

13-Kebdo waxa uu isna ka agdhaw yahay Alool waxa uuna ka sameesan yahay dun iyo dhar dhamaaday iyo cows oo iyana lasii qurxiyay.

14-Lammo waa agab ka sameesan labo saamood oo maqaarka lo’da laga sameeyay sidoo kale si qurux badan loo farsameeyay.

15-Abjad waxaa loo yaqaan agab ka sameesan caws , geedo iyo jawaano la isku tolay ama la isku soohay oo aqalka reerka lagu kala xiro, waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa in haamaha laga xejiyo owrta marka la rarayo ama biyo lagu dhaaminayo.

16-ila-xir waa marka aqalka lakala xiro oo laga dhigo labo qeyb ama labo qol

17-Weelku waa agab ama weelasha ay inta badan reer miyiga adeegsadaan kuwaa oo nuucyo kala duwan leh ay ku jiraan kuwa ay wax ku cabaan ama caanaha ku shubtaan sida dhiisha ,kasha iyo mooyaha.

18-Yeelku waa agabka iyana loo adeegsado marka xoolaha la waraabinayo sida wadaanta biyaha lagu soo shubo.

19-Ardaa waa aqalkaĀ  hortiisa waliba marka la qurxiyo oo la habeeyo.

20-Gogol waa agabka la goglado sida dermaha iyo waxyaabaha kale ee la halmaala.

21-Tis ama Ood waa qoys hal meel wada degan oo aqalo badan uga dhisan yihiin, tiska iyo ooda waxaa ka dhaxeeya xiriir dhaw oo iskaashi.

22-

 

 

 

 

- Advertisement -