Muxuu Axmed Madoobe ka yiri doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo u hambalyeeyey Xildhibaanada maanta lagu doortay Kismaayo.

“Dardar galinta doorashooyinka waa wadada kaliyah ee aan kaga bixi karno maalmahan adag ee dalkeenu ku jiro. Waxaan hambalyo u dirayaa Xildhibaanada ku guulaystay doorashooyinka maanta ka dhacay Jubaland oo kamid noqon doona golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka ah” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u mahad celiyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer Dowlad Goboleed.

“Sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer Dowlad Goboleed dadaalka ay ku bixiyeen sidii Jubaland looga bilaabi lahaa doorashooyinka golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS” ayuu intaas ku daray Axmed Madoobe.

Doorashada maanta oo aheyd tii ugu horeysay golaha shacabka ee lagu qabto magaalada Kismaayo ayaa xildhibaanada ku soo baxay waxay iskugu jiraan kuwo cusub iyo qaar horey kuraasta ugu fadhiyey.

Xildhibaanada ku soo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa kala ah:- Hamse Cabdi Barre, Cabdirashiid Jire Qalinle, Xasan Cabdi Ismaaciil, Maxamed Cali Cumar, Maryan Aweys Jaamac, iyo Sahra Jaamac Cali

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar sii horeusay ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -