Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Africom oo ka hadlay xiisada dalka ka taagan fariina u diray Ciidamada

Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qoraal ay soo saareen ku baaqay in la qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee xiligan ka taagan dalka ee ka dhalatay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Africom ayaa ugu baaqady ciidamada Soomaaliya inay diiradda saaraan halista amni ee uga imaaneyso kooxaha argagixisada si loo badbaadiyo shacabka kana fogdaan in ay qeyb ka noqdaan xiisada siyaasadeed ee taagan.

Dowlada Mareykanka ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay iney talaabo adag ka qaadeyso cid kasta oo carqalad ku ah geeddi socodka Nabada iyo doorashooyinka Soomaaliya ka bilowday.

Wadamada caalamka qaarkood ayaana walaac xoogan ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahana khilaafka xoogan ee xiligan soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=8UAImsqir0M

Related posts

(Daawo) Waare oo erayo kulul ku weeraray Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Caydiid Ali

Madaxweynaha dowlad goboleedkii 3aad oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaruntii Hubka Nukliyeerka ku tijaabin jirtay Kuuriyada Waqooyi oo duntay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---