Xaruntii Hubka Nukliyeerka ku tijaabin jirtay Kuuriyada Waqooyi oo duntay

Warbaahinta Caalamka ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray goobtii hubka Nukliyeerka ku tijaabin jirtay dowlada Waqooyiga Kuuriya oo la sheegay in ay soo duntay, xili dowlada sheegtay in ay hakineyso tijaabinta hubkeeda.

Seynisyahano u dhashay dalka Shiinaha ayaa sheegay in qeyb ahaan soo duntay xaruntii dowlada Kuuriyada Waqooyi ku tijaabin jirtay hubka Nukliyeerka, waxaana goobtaasi marar kala duwan lagu tijaabiyay hubka Nukliyeerka.

Xarunta tijaabada Hubka Nukliyeerka ee Punggye-ri ayaa dhoor mar lagu tijaabiyay hubka Nukliyeerka ay sameesatay Dowlada Waqooyiga Kuuriya tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 2006-dii.

Tijaabadii ugu dambeysay ee xaruntan lagu sameeyay ayaa aheyd bishii Sebtember ee sanadkii hore, waxaana xiligaasi halkaasi laga dareemay dhul gariir xoog leh oo ka dhashay tijaabada hubkaasi.

Seynisyahano ku takhasusay dhulgariirka ayaa rumeysan in qayb ka mid ah buurta hubka lagu tijaabin jiray ay gudaha ka duntay, waxaana suurto gal ah in mudooyinkan in aan halkaasi tijaabo lagu sameyn.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sabtidii ku dhaqaaqay in uu hakinayo tijaabooyinkii nukliyeerka iyo gantaallada dalkiisa, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu wada hadalsiiyo Dowladaha Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -