Wasiiro Kormeer ku tagay Terminal-ka Movcon ee dhawaan la xiray (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax oo ay weheliyeen Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kormeer shaqo ku tegey Terminal-ka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde oo ay dhowaan xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Masuuliyiinta ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hawl-wadeennada Garoonka ka dhegeystay war-bixin ku saabsan khaladaadkii shaqo, cabashooyinkii laga soo gudbiyey qaabkii uu u shaqayn jirey iyo siyaabaha baal marsan shuruucda dalka ee loo adeegsaday Terminal-ka.
Terminal-ka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde waxaa horey u adeegsan jiray Qaramada Midoobay, ciidamada AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka ee xaruntoodu tahay xerada Xalane.
Qaramada Midoobay ayaa ka carootay go’aanka dowlada Soomaaliya ku xirtay Terminaalka Movcon, waxa ayna Qaramada Midoobay sheegtay in wadahadal kala galeyso dowlada xiritaanka terminaalkan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -