Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo Amray in shaqo joojin lagu sameeyo taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

https://youtu.be/8UAImsqir0M

Related posts

Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo caawa lagu dilay Qarax iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/W Rooble iyo Xasan Sheekh oo arimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Dhismaha Tariminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Xudur oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---