Baaq ku saabsan ka badbaadinta Dalka Khalalaasaha siyaasadeed ee dalka oo lasoo saaray

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Senatar Cabdi Xaashi ayaa soo saaray baaq cusub oo ku saabsan ka bad baadinta dalka xaalad amni darro iyo khalalaase siyaasadeed oo halis galiya jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Cabdi Xasahi ayuu ku dalbaday in lagu dhawaaqo natiijada guud ee doorashada xubnaha Aqalka Sare, si loo qabto fadhigii u horreeyay, ayna doortaan Guddoon iyo Guddi hoosaadyadooda, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxa uu sheegay Cabdi Xaashi in la dhameestiray doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ayna muhiim tahay in si rasmi ah loogu dhawaaqo si ay gacan uga geystaan samata bixinta marxalada adag ee uu dalku marayo.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa sidoo kale sheegay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiye Maxamed Mursal uu ahaa mid aan sharciyad laheyn oo dalka u horseedaya halis amni daro iyo dagaal la mid ah midkii dhacay 25 April 2021.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale cadeeyay in muddo xileedka Madaxweynaha ay tahay afar sano, sidaas darteed uu muddo xileedkiisa Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu ku ekaa  7 Febraayo 2021.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -