Jubbaland oo Mowqifkeeda Khilaafka Farmaajo iyo Rooble cadeesay lana safatay …

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada una dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Jubbaland ayaa shaacisay in diyaar u tahay ka qeybgalka shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed oo horey qoraal usoo saaray ayaa lakala saftay Farmaajo iyo Rooble , waxa ayna Jubbaland iyana la safatay Rooble waxaana la sugayaa go’aanka maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.

Halkan ka akhriso qoraalka kasoo baxay Jubbaland

Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.
 
Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.
 
Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -