Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsanaa Xukuumadda UK oo si weyn ugu ololeeyay Aqoonsiga Somaliland oo is casilay

Sir Gavin Williamson, oo kamid ahaa golaha wasiiradda ee ugu saameynta badan xukuumadda UK ayaa is casilay, kaddib markii lagu eedeeyay in uu handaday qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradiisa.

Wasiirka waxbarashada UK sidoo kale ah xildhibaan katirsan Baarlamanaka UK Sir Gavin ayaa qoraal uu u diray Ra’isul Wasaaraha UK ku cadeeeyay in uu is casilay, waxa uuna meesha ka saaray eedeymaha loo jeediyay.

Sir Gavin Williamson, ayaa sheegay in xilka isaga casilay si uu u cadeeyo in uusan dambi gelin, waxa uu sidoo kale raaligelin ka bixiyay farriin la sheegay in uu ugu hanjabay mid kamid ah shaqaalaha wasaaradiisa.

“Sidaad ogtahay, waxaa socda cabashooyinka ku saabsan fariimaha qoraalka ah ee aan u diray saaxib aan shaqa wadaaga nahay. Waan u hogaansamayaa hanaankan, waxaanan ka raali galiyay qofka aan fariimahaas u diray, waxaan garowsanahay in eedeymahani yihiin kuwo carqalad ku ah shaqada wanaagsan ee ay dowladdani qabato” ayuu yiri Sir Gavin.

Rai’sul wasaaraha cusub ee UK  Mr Sunak ayaa aqbalay iscasilaada wasiirka waxbarashada isaga oo ka murugeysan , waxaa uuna uga mahadceliyay wasiirka is casilay sidii uu ugu taageeray in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha UK.

Wasiirkan is casilay Xildhibaan Sir Gavin Williamson, ayaa ahaa siyaasi si weyn ugu ololeenayay in Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan, waxa uuna horey u tagay Hargeysa isaga oo ahaa wasiirka gaashaandhigga UK xilligaa uu la kulmay Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildh. Mahad Salaad: “Farmaajo waa ka tanaasulay dacwadii Badda ee Somalia iyo Kenya”

Caydiid Ali

Galmudug iyo DDS oo heshiisyo muhiim ah kala saxiixday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Inta badan Musharaxiinta Mucaaradka oo dalka ka maqan iyo Villa Somalia oo qorshe wada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---