Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Farmaajo oo dallacsiiyey saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhiirigelinaya na qaar ka mid ah Taliyeyaasha Hoggaannada iyo Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, ayaa dallacsiiyey Saraakiishan:

  1. Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan oo u dallacay Sarreeye Guuto.

2.Taliyaha Hoggaanka Isgaarsiinta, Gaashaale Sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo u dallacay Sarreeye Guuto.

  1. Taliyaha Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye, Gaashaanle Sare Muqtaar Gaabow Xasan, oo u dallacay Sarreey Guuto.

Booliska Soomaaliyeed waa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed, waa geedkii ay ka farcameen dhammaan qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalkeenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwad culus oo lagu soo oogay Xildhibaankii ka careesiiyay Madaxweyne Deni !!

Cabdi Cade

Dhax Dhaxaadintii Madaxweyne Qoor Qoor ka dhax waday Musharaxiinta iyo Farmaajo oo …

Cabdi Cade

Cumar Finish oo ka careesan in Jaadka Kenya lagu iibiyo Degmo katirsan Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---