Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Wasaaradeed oo lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed oo xilka laga qaaday

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaqada ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, kadib eedeymo culus oo loo jeediyay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Qorsheynta ayaa shaqada looga joojiyay Cabdiqaadir Maxamed Aaden oo ahaa agaasimihii guud ee Wasaaradda, waxa uuna wasiir Jamaal ku eedeeyay agaasimaha ku tarkrifal awoodeed iyo arimo kale.

Wasiirka Qorsheynta ayaana magacaabay agaasime kmg ah oo shaqada sii wadaya, waxaana xilka ka qaadista agaasimaha la sheegay in ay salka ku heyso khilaaf labada masuul mudooyinkan u dhaxeesay.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ku-xigeenka Axmed Madoobe & taliyaha Guud ee ciidanka Itoobiya oo..

Caydiid Ali

NISA oo Sh/hoose ka soo qabatay koox ka tirsan Al-Shabaab & Walxaha qarxa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---