Beesha Caalamka oo War kasoo saaray Xiisada ka taagan Doorashada iyo Kulanka Golaha Wadatashiga

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay qabashada shirka gollaha wadatashiga Qaran ee looga arinsanayo khilaafka ka jira doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa mar kale ku celisay baaqyada ku aaddan in la helo daahfurnaan buuxda oo dhinaca doorashada ah, waxa ayna sheegeen in ay soo dhaweenayaan wadatashiga diirada lagu saarayo hagaajinta doorashada.

”Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira.” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka

Beesha caalamka ayaa qoraalka ay soo saareen ku cadeeyay in ay si buuxdo u taageerayaan hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraamaya heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021-ka.

Waxa ayna ugu baaqeen beesha caalamka hogaamiyaasha Soomaalida inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada ,kana shaqeeyaan sidii doorashada ku noqon laheyd mid hufan.

”Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Warkan  kasoo baxay beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xili uu khilaaf ka jiro hanaanka doorashada ku bilaabatay , sidoo kale Ra’isul Wasaare Rooble iclaamiyay shir ay isugu imaanayaan golaha wadatashiga qaran si ay uga arinsanaan khilaafka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -