Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay Shir degdeg ah oo looga hadlay xaaladda dalka…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC), isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Ugu dambayn, Madaxda dalalka Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto Shir degdeg ah oo ay madaxda EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

Related posts

Gudiga doorashada Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil caawa ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faafhaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Mashruuca Cusub ee Calanka Somalia “Muufo Muufo Dhashey” !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---